Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia, mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo maanta dalka Jabuuti kaga qayb-galaya meertada 41-aad ee urur-goboleedka IGAD ayaa kulan-doceed la qaatay dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti, mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo marti-gelinaya shirkan.
Labada madaxweyne ayaa iska waraystay xaaladda gobolka, xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti iyo iskaashiga arrimaha saameynta ku leh labada shacab oo ay ugu horreeyaan arrimaha amniga iyo nabadda gobolka.