Waxaa maanta si rasmi ah loo soo gabgabeeyay Shirkii Wadatashiga Qaran ee Doorshooyinka, kadib markii lagu heshiiyay dhamana qodobadii muranka ka jiray ee dib u dhaca u keenay doorashada.
Munaasabada shaacinta heshiiska laga gaaray doorashada ayaa waxaa goobjoog ka ah madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Guddoomiyaasha labada gole, Ra’iisul wasaaraha, Madaxda maamul goboleedyada, Midowga musharaxiinta iyo Wakiilada Beesha caalamka iyo Xubno kale.
Wasiirk ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Yusuf Alcadaala ayaa aqriyay Warmurtiyeedka.
Warmurtiyeedka Shirka Madasha wadatashiga doorashooyinka.














