MUUQAAL: Hantidhawrka Guud oo sheegay in aan si sax ah loo maamulin lacago ay qabteen sadex Safaaradood

0
399

Hanti-dhowraha guud ee Qaranka Mudane, Axmed Ciise Guutaale oo shir jaraa’id ku qabtay maanta Muqdisho, kana hadlayay warbixin sanadeedka Hantidhawrka ayaa faahfaahin ka bixiyay baarista uu xafiiskiisa ku sameeyay qaar ka mid ah safaaradaha ay Soomaaliya ku leedahay dibadda.

Mudane Guutaale ayaa sheegay baaristan lagu sameeyay saddex safaaraddood ee Soomaaliya ku leedahay dalka Kenya, Turkiga iyo Jarmalka, wuxuuna tilmaamay in lacagaha ay qabteen aan loo maamulin si wanaagsan, isla markaana aan lagu darin warbixinta maaliyadda ee dowladda.

“Dakhli dhan 1.9 mliyan oo ay qabteen hay’adaha kala ah safaaradda JFS ee Kenya, safaaradda JFS ee Turkiga iyo safaaradda JFS ee Jarmalka ayaan loo maamulin si wanaagsan, laguna darin warbixinta maaliyadeed ee dowladda,” ayuu yiri Guutaale

“Marka la eego khaladaadkaas hay’adaha ay baarista quseysay waxaa fikrad cilad leh ka bixiyay warbixinta baarista maaliyadeed ama xisaab xirka sanadka 2022 ee loo soo gudbiyay xafiiska hantidhowrka guud ee qaranka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guutaale.

Hanti dhowaraha waxa uu sidoo kale sharaxaad ka bixiyay khaladaadka ay sameeyeen saddexda safaaradood, isaga oo xusay in baarista ay ku ogaadeen in aysan dhaqan-gelin xeerarka maaliyadeed ee loogu talagalay uruurinta dakhliga soo gala.

Ugu dambeyn, Xafiiska Hantidhowraha Qaranka ayaa guud ahaan cadadka lacageed ee ku maqan safaaradaha Soomaaliya ee dalalka Kenya, Turkiga iyo Jarmalka ku sheegay illaa 3 miliyan oo dollar, taas oo uu tilmaamay in aan lagu shubin khasanadda dhexe ee dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here