Wasiirka wasaarada warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda Soomaaliya, mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku-xigeenka wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho oo waqtigii ay ka hawl-galeysay dalka uu dhammaaday.
Wasiirka ayaa ku-xigeenka ergeyga uga mahad-celiyay sida wanaagsan ee ay uga soo dhalaashay hawlihii ay ugu adeegtay dadka Soomaaliyeed muddadii ay dalka joogtay.
Sidoo kale, wasiirka ayaa Anita Kiki uga warbixiyay xaaladda dalka ee dhinacyada, siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo horumarka la sameeyay tan iyo markii la dhisay xukuumadda Dan Qaran sannadkii la soo dhaafay.
Dhankeeda, Kiki Gbeho ayaa qirtay in ay Soomaaliya cagta saartey waddada rajada iyo horumarka, isla markaana lagu tallaabsatay guulo la taaban karo oo waddanka u horseedaya dib u soo kabasho dhameystiran. Waxay sidoo kale ka mahad-celisay sidii loola shaqeyay intii ay ka hawlgalaysay dalka.
Ugu dambeyn, Anita Kiki Gbeho ayaa 30-kii bishii Dec, 2020-kii loo soo magacaabay inay noqoto ku-xigeenka wakiilka Gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia, gaar ahaan dhanka arrimaha siyaasadda iyo amniga. Waxaana dhammaadka bishan ay qaban doontaa xilka ku-xigeenka ergeyga Qaramada Midoobay ee dalka Koonfuurta Sudan, ahna madaxa Isku-duwidda arrimaha gargaarka bani’aadminimada.














