Kooxda Juventus ee dalka Talyaaniga ayaa laga mamnuucay dhammaan tartamada Qaaradda Yurub xilli-ciyaareedka soo socda ee 2023/2024, isla markaana waxaa lagu ganaaxay lacago malaayiin Euro ah, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday xiriirka kubadda cagta Yurub ee UEFA.
Naadiga Juva ayaa lagu helay afar dembi oo ah inay jabiyeen shuruucda dhaqaalaha, kuwaas oo lagu xaqiijiyay baaritaanno soo billowday bishii May ee sanadkan oo ay ku jiraan inay xisaabaadkooda ka sheegaan been, taasoo toban dhibcood oo horyaalka Serie A ah looga jaray, laguna qasbay inay iscasilaan madaxweynihii kooxda, Andrea Agnelli iyo mas’uuliyiin laga mamnuucay inay wax ciyaaro la xiriira ka shaqeeyaan.
Waxa kale oo xiriirka UEFA uu sheegay in Juventus aanay kasoo qayb-geli doonin tartanka UEFA Conference League, waxaa ganaaxyada lagu soo eogay ka mid ah in 20-milyan oo EURO oo ay sanadkan sii dhammaanaya bixiyaan iyo 10-milyan oo EURO oo kale oo ay bixin donaan sadexda sano ee soo socda.
Waxa ay kooxda kubbada cagta Juventus horay u aqbashay ganaaxa ay UEFA kusoo rogtay maadaama caddeymo buuxa lagu hayo, waxaana la filayaa in booskeedii UEFA Conference League ay soo buuxiso Fiorentina oo kaalinta saddexaad kaga jirtay horyaalka Talyaaniga ee Serie A xilli-ciyaareedkii tagay.
Rafa Marin oo ka tagay Real Madrid.
Dhanka kale, Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inuu ka tagay xiddig aad muhiim ugu ahaa oo la doonayay inuu hoggaanka kooxda ka mid noqdo, kaddib sanado uu wacdaro ka dhigayay garoommada.
War-saxaafadeed ay soo saarray Los Blancos ayay ku sheegtay in uu kooxda ka tagay Rafa Marin oo ka mid ah dheemanka kulliyada Castilla kasoo baxay, maadaama ay u caddaatay in aanu fursad ka helaynin kooxda koowaad.
Laacibkan 21-jirka ah ee difaaca dhexe ka cayaara ayaa ku biiray kooxda Deportivo Alaves oo uu xilli-ciyaareed amaah kusoo qaadan doono, waxa ayna Los Blancos ku dhawaaqday in Rafa Martin uu si rasmi ah ugu biiri karo kooxdaaa haddii uu ku qanco.
Sidoo kale, Marin oo qandaraaskiisa Real Madrid uu ku egyahay sanadka 2024, ayaa waxaa ka hor intii aanu tegin Deportivo uu sii saxiixay heshiis cusub oo kusii hayn doona Santiago Bernabeu illaa sanadka 2026-ka, taas oo ka dhigan in uu dib ugu soo laaban doono marka uu sannadka amaahda ah ee Alaves uu u dhammaado.
Laacibkan ayay doonayeen kooxaha ugu waaweyn Yurub sida; Chelsea, Villarreal, PSG iyo Wolfsburg oo dalbafay, laakiinse Real Madrid waxay ku qancisay in heshiis cusub uu u saxiixo oo uu sii joogo kooxda.
Ugu dambeyn, Rafa Marin oo dhawr ciyaar u saftay kooxda ayaa waxa boos la’aan ka dhigay Eder Militao, Antonio Rudiger, David Alaba iyo Nacho Fernandez, balse marka uu soo dhameysto qandaraaskiisa ayaa la filayaa inuu kooxda ka helo boos rasmi ah.














