Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa magaalada Doha ee caasimadda dalka Qatar kula kulmay dhiggiisa magaalada Doha, Mudane Mansour Ajraan Al-Boeinin, iyaga oo ka wadahadlay dib u cosbooneysiinta heshiiska mataaneynta Muqdisho iyo Doha, taageeridda mashaariicda dhismaha bullaacadaha Muqdisho, helidda gaadiid kala duwan oo lagu xoojinayo bilicda Caasimadda iyo horumarinta labada magaalo.
Duqa Magaalada Doha, mudane Mansour Ajraan Al-Boeinin ayaa ballan-qaaday in ay diyaar u yihiin tallaabo kasta oo lagu taageerayo horumarinta magaalada Muqdisho iyo dardargalinta qorshaha mataaneynta Doha iyo Muqdisho.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ugu mahad-celiyay Dowladda Qatar iyo shacabkeeda sida ay had iyo jeer u garab-taagan yihiin sidii Soomaaliya ay mar kale cagaheeda ugu istaagi lahayd.






















