Guddoomiye Ciise Guure oo xarigga ka jaray Suuq Casri ah oo laga hirgeliyay deegaanka Gubadley: SAWIRRO

0
251

Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa xarigga ka jaray maanta suuq casri ah oo laga hir-geliyay deegaanka Gubaley ee gobolka Banaadir, waxaana maalgeliyey maamulka Gobolka Banaadir.

“Waxa aan rabaa in aan u mahadceliyo hay’adda JBLG oo dhanka mashaariicda ka caawisa maamulka gobolka Banaadir iyo agaasimaha qorsheynta Muxyadiin Dalxa oo runtii dadaal badan ku bixiyay sidii loo dhisi lahaa suuqaan casriga ah,” ayuu yiri guddoomiye Ciise Guure oo intaa ku daray in suuqaan uu ka marqaati kacayo sida ay u horumarayso caasimadda.

Sidoo kale, Guddoomiye Guure ayaa xusay in deegaanka Gubadley uu kulansaday wax walba oo degmo ay u baahan tahay, ayna kow ka tahay in ay hirgeliyeen arrimaha waxbarashada, iaboortiga iyo kuwo kale oo muujinaya in Gubaley ay u qalabto in ay degmo noqoto.

Dhanka kale, Guddoomiyaha deegaanka Gubadley, mudane Cabdullaahi Kaalimey oo goobta ka hadlay ayaa ka mahadceliyay dadaalka ay waxgaradka deegaanka geliyeen sidii deegaankooda u yeelan lahaa suuqan iyo horumarro kale oo ay ku tallaabsatay Gubadley.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Kaalimey ayaa uga mahaceliyay guddoomiye Ciise Guure iyo mas’uuliyiinta kale gobolka Banaadir ka socday ee furay suuqa, waxa uuna xusay in dhawaan laga hirgelin doono deegaanka mashaariic kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here