Wafdi ka socday JFS oo Addis Ababa uga qayb-galay shir caalami ah oo looga hadlayo hawlgalka ATMIS: SAWIRRO

0
238

Wasiir-u-dowlaha ahna ku simaha wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Somalia, mudane Cali Cumar Cali (Balcad) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Addis Ababa ee dalka Itoobiya uga qayb-galay shir ballaaran oo looga arrinsaday guulaha laga gaaray hawl-galka gaba-gabada ah ee ATMIS, kaas oo uu soo qaban-qaabiyay golaha amniga iyo nabad-gelyada Midowga Africa.

Wasiirka waxaa shirka ku wehelinayay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Somalia, safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya, xubno ka socda dalalka taageera horumarka iyo xasilinta Soomaaliya, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub iyo saraakiil ka socda hawl-galka ATMIS oo sanadkan 2024-ka si rasmi ah loo soo gaba-gabayn doono.

Shirkan oo qaatay saacado badan, ayaa si qota dheer looga dooday natiijooyinka dhaxal-galka ah ee laga gaaray qorshaha Qaran ee la xiriira in ciidamada xoogga dalka Soonaaliyeed ay si buuxda ula wareegaan amniga Soomaaliya, lana soo gaba-gabeeyo hawl-galka ATMIS.

Wasiir Cali Cumar Cali (Balcad) oo shirka khudbado kala duwan ka jeediyay, ayaa hoosta ka xariiqay in JFS ay si dhab ah ugu guulaysatay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed loo carbiyo xasilinta nabad-gelyada Somalia iyo xaalufinta kooxaha khawaarijta, ayna DFS kalsooni buuxda ku qabto tayada iyo tababarada ay qaateen CXDS ayna si buuxda ugu diyaarsan yihiin la wareegidda amniga guud ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa dalalka Afrika iyo saaxiibbada Somalia uga mahadceliyay dadaalka iyo garab-istaagga ay ku bixiyeen marxaladda ay xiligan Soomaaliya gaartay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here