Guddoomiye Madaale oo uga Tacsiyeeyay Safiirka Imaaraadka ee Somalia Geerida Saraakiil looga dilay Muqdisho

0
331

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan tacsiyeyn ah ugu tagay danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, danjire Axmed Jumca Al-Rumeysi.

Duqa Caasimadda ayaa ka tacsiyeeyay saraakiishii ku geeriyootay weerarkii argagixisanimo ee xerada Jen. Gordan, kuwaas oo dalkeenna u joogay inay gacan ka geystaan dib u dhiska ciidamada Qaranka.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Madaale ayaa ugu mahad-celiyay dowladda iyo shacabka Imaaraadka Carabta, garab-istaaggooda walaalnimo ee shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here