Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo u kuur-galaya xaaladda amni ee caasimadda dalka ayaa xalay booqday qaar ka mid ah suuqyada ganacsiga magaalada Muqdisho, isaga oo waqti la qaatay dad shacab ah oo ku sugnaa goobahaas.
Madaxweyne Xasan ayaa dadkii uu gacan-qaaday wax ka weydiinayay xaaladdooda iyo midda amni ee dalka, waxaana isaga iyo dadkii uu la kulmay ka muuqatay sida ay ugu faraxsan yihiin inay waqti isku helaan, iyaga oo sawirro wada galayay.
Ugu dambeyn, Socodka uu Madaxwwyne Xasan Sheekh xalay ku maray qaybo ka mid ah caasimadda waxaa qayb ka ahaa; saraakiisha amniga iyo xubno ka tirsan madaxtooyada dalka, waxaana tani ay ka tarjumaysaa xaaladda amni ee ka jirta caasimadda.














