Beesha Caalamka ayaa war ka soo saartay magacaabista guddiyada doorashada eedwlad gbleedyada Puntland iyo Jubbaland ee lagu dhawaaqay 27-kii bishaan.
“Inkastoo ay soo daahday, tallaabadan wanaagsan waxay gacan ka geysan kartaa abuuridda jawi degdeg oo loogu hirgellin karo hanaanka doorashada ee heshiiskii 17kii Bishii Sebtember si loo garao drasho loo wada dhanyahay” ayaa lagu yiri waxsaxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen beesha caalamka.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay in xubnaha beesha caalamku ay si buuxda u taageerayaan soo jeedinta ah in si degdeg ah loo qabto kulan dhexmara madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, si loo xalliyo arrimaha hirgelinta doorashada ee harsan.
Waxeey rajo wanaagsan ka muujiyeen qabashada doorasho loo dhanyahay oo dhinacydu ay si hufan uga qeyb qaadan doonaan, beesha caalamkuna ay korjoogto ka noqaneyso sida ay wax u dhacayaan.
Waxeey ku baaqeen in la ilaalinayo saaxadda siyaasadda iyo xorriyadda warbaahinta, lana xaqiijiyo qoondada haweenka ee 30%, waxwalibana ay u dhacaan si daahfurnaan ah.













