Guddoomiye Ku xigeenka arimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed ayaa maanta olole nadaafadeed kala qeyb qaadatay ardayda dugsiyada ee degmada Waaberi.
Guddoomiye ayaa Ku boorisey ardayda iyo dhalinta Muqdisho iney laban laabaan dadaalkoodu ku aadan in ay nadiifiyaan Magaaladooda.













