Maamulka G/Banaadir oo soo saaray awaamir ku socota shacabka

0
1041

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo looga hadlaayay u diyaar garowga xuska maalmaha xorriyadda ee 26 June iyo 1da Luulyo 2021.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiisha laamaha amaanka qeybahooda kala gedisan, Guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo Ku xigeenada maamulka gobolka, iyad aoo lag asoo saaray awaamir culus oo ku wajahan dadweynaha.

Awaamiirta soo baxday ayaa waxaa ka mid ahaa:-

  1. In guryaha saaran Laamiyada la rinjiyeeyo, lana Naleeyo.
  2. In calamada astaanta Qaranka la suro goobanaha ganacsiga iyo Hoteelada.
  3. In cidkasta ay nadiifiso horteeda, gaar ahaan goobaha danta guud.

Arrintaan ayaa qeyb ka ah weyneynta maalmaha xorriyadda Soomaaliyeed ee 26 june iyo 1da Luulyo 2021.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here