Guddi loo saaray Samata-bixinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xanniban Dalka Suudaan: SAWIRRO + SAWIRRO

0
471

Kulankii toddobaadlaha ahaa ee golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu magacaabay guddi ka shaqeynaya soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku go’doonsan colaadda ka taagan dalka Suudaan.

Wasiirka Arrimaha Dibada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) ayaa warbixin shirka ka siisay xaaladda ay ku sugan yihiin dadka Soomaaliyeed ku sugan dalka Suudaan oo maalmihii u danbeeyay ay hareeyeen colaado sokeeye, isagoo sheegay in wasaaraddu ay xiriiro kala duwan la samaysay dublamaasiyiinta dowladaha deriska la ah Suudaan si ay ugu fududeeyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay si nabad ah ugu tallaabaan, isla markaana ay xuduudaha Sudan ka hawl-galiyeen xarumo dadka Soomaaliyeed loogu fududaynayo isu socodka.

Xubnaha guddiga la magacaabay oo ka kooban 12 xubnood ayaa waxa ay kala yihiin:

1. Mudane Abshir Cumar Jaamac – Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah – Guddomiye

2. Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawida Xubin

3. Mudane Axmed Macalin Fiqi – Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xubin

4. Mudane Faarax Sheekh Cabdiqaadir – Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Xubin

5. Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye – Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xubin

6. Mudane Dr Cali Xaaji Aadan – Wasiirka Caafimaadka iyo Dareyeelka Bulshada Xubin

7. Mudane Maxamed Barre Maxamuud – Wasiirka Dhallinyarada iyo Cyaaraha Xubin

8. Mudane Daauud Aweys Jaamac – Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xubin

9. Mudane Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh bashiir – Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Xubin

10. Mudane Maxamed Cali Xagaa – Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha, Ahna Ku Simaha Wasiirka Xubin

11. Mudane Xirsi Jaamac Gaani – Wasiir Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xubin

12. Marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf – Ergeyaga arrimaha xuquuqda soo-galootiga –Xiriiriye.

Ugu dambwyn, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS, Saalax Axmed Jaamac oo shirka Golaha Wasiirrada guddoominayay ayaa faray guddiga in ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga hawl-galaan soo samata-bixinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee weli ku xanniban dalka Suudaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here