Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kormeeray xaruma ay ka mid yihiin Biyaasa Liibaro iyo xarunta sheybaarka dhisma dowladda hoose Xamar.
Ujeedka Kormeerkan ayaa ahaa mid uu duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish ugu kuur galayay bilicda Caasimadda iyo howlaha muhiimka ah oo ay xarumahaasi bulshada u haayan.
Guddoomiyaha ayaa inta uu kormeerkan ku jiray waxa uu faray guddoomiyaasha degmooyinka in ay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan ilaalinta nadaafada iyo bilicda.