Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, Mudane Ciise Guure iyo Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta, Mudane Cabdicasiis Cusmaan Maxamed ayaa deeq raashiin iyo dhar ah gaarsiiyay dadkii ay saameynta ku yeesheen roobabkii daadka ahaa ee ka da’ay Caasimadda kuwaasoo ku nool degmada Warta Nabadda ee Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale, Guddoomiyaha degmada Warta Nabadda, Marwo Seynab Xaabsey ayaa uga warbixisay mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir xaaladda ay ku sugan yihiin shacabkan ay saameynta ku yeeshay roobabkii ka da’ay Xamar.
Ugu dambeyn, Shacabkii deeqda la gaarsiiyay ay Maamulka Gobolka Banaadir ugu mahad-celiyeen dadaalka kala go’a aanan lahayd ee gurmadka ugu fidinayaan shacabka Muqdisho.
















