Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka Qayb-galay heshiis lagu mideynayay qaar ka mid ah Shirkadaha bixiya Korontada: SAWIRRO

0
245

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Somalia Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb-galay heshiis lagu mideynayo qaar ka mid shirkadaha korontada bixiya ee Muqdisho, si shacabku u helaan koronto qiimo jaban, awood leh, la iskuna haleyn karo.

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dalka laga helo adeeg koronto oo ku filan dalka, taas oo ay awoodi karaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in heshiiskani uu horseedayo fursado waaweyn oo wax ka beddeli kara korontada dalka, taas oo fursad siineysa ganacstada Soomaaliyeed.

“Dawladdu waxa ay u dejisaa xeerarkaan iyo siyaasadahaan si loo abuuro nidaamka suuqa furan ee ganacsiyadu ku tartamaan tayeynta iyo baahinta adeeggooda, iyo yareynta khasaaraha, kuwaas oo dhammaantood horseeda isku-filnaansho dhaqaale iyo kobaca waxsoosaarka“.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa xusay in shirkadaha korontada ka shaqeeya ay il gaar ah ku eegaan goobaha danta guud iyo kuwa cibaadada, kuwaas oo had iyo jeer loo baahan yahay in laga helo koronto joogto ah.

Ugu dambeyn, Heshiiska oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Tamar iyo Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa kala saxiixday Banaadir Electric Company, BlueSky Energy iyo Mogadishu Supply.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here