Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ka sameeyey wasaaradda qorshaynta iyo dhiirrigelinta maalgashiga hawlo isugu jira daah-fur, xarig-jar iyo dhagax-dhig.
Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa dhagax-dhigay dhismaha machadka qorsheynta, istatistikada iyo horumarinta dhaqaalaha Qaranka iyo dhismaha hay’adda dhiirri-gelinta Maalgashiga Soomaaliyeed, isaga oo daahfuray hoolka cusub ee wasaaradda iyo hay’adda istaatistikada Qaran oo loo bixiyey Nuur Weheliye.
Ugu dambeyn, Dhismeyaasha la dhagax-dhigay oo qayb ka ah wasaaradda qorsheynta iyo dhiirri-gelinta maalgashiga ayuu ra’iisul wasaaraha ku tilmaamay kuwo wax weyn ku soo kordhinaya dalka iyo horumarka la hiigsanayo, isagoo ku bogaadiyay wasaaradda hirgelinta barmaamijka casriyeynta dowladnimada oo muhiim u ah dalkeenna, kaas oo horseedaya isbeddel la taaban karo.


































