Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Duqa Magaalada Bolnas ee dalka Sweden, Mudane Cabdullaahi Aadan.
Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenada maamulka Gobolka Banaadir iyo Xoghayaha Guud ayaa loogu hadlay sidii la isaga kaashan lahaa wada-shaqeynta iyo wax is-dhaafsiga ku dhisan aqoonta, tababaridda iyo mataaneynta labada magaalo ee Bolnas iyo Muqdisho.