Guddoomiye Madaale oo Kormeeray ololaha lagu garab-istaagayo Ciidamada Qaranka ee dagaalka kula jira Khawaarijta: SAWIRRO

0
344

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeeray ololaha “Hooyo u Hiili Qarankaaga” kaasoo ay ka qayb-qaadanayaan haweenka Soomaaliyeed si ay u garab istaagaan ciidanka xoogga dalka ee ku jira hawlgallada dalka lagaga sifeynayo kooxaha Khawaarijta.

Duqa Muqdisho ayaa bogaadiyay doorka haweenka Soomaaliyeed ee ugu qeyb-qaadanayaan halganka dalka looga xoreynayo kooxaha khawarijta, isla markaana ay isku xilqaameen sidii cunnooyinka qalalan loo gaarsiin lahaa geesiyaasha dalka, waxa uuna ballan-qaaday in uu kaalintiisa ka qaadan doono taageeridda iyo garab-istaaga ciidamada Qaranka.

Guddoomiye Madaale oo uu kormeerkan ku wehliyay ku-xigeenkiisa Amniga iyo Siyaasadda, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa ugu baaqay xildhibaanada iyo siyaasiyiinta dalka in ay ka fogaadaan hadallada lagu niyad jibinayo ciidamada Qaranka, isla markaana ay ka qayb-qaataan dhiirri-gelinta iyo kaalmeynta ciidamada Qaranka ee naftooda u huray in ay dalka iyo dadka ka badbaadiyaan cadowga khawaarijta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here