Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xuska munaasabadda 1-da Luulyo oo ku asteysan 64 sano guurada xornimada gobollada Koonfureed iyo Midowga labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ee Jamhuuriyadda Soomaaliya awgeed Ubax dhigay Taallada Daljirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo kala gedisan oo tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya. kuwaas oo soo bandhiggay gaado ka cayaar iyo dhoolatus ay muujinayeen cududda, awoodda iyo qalabka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, waxa ayna soo bandhigeen gawaarida Ciidamada Qalabka Sida iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca oo hawada sare heehaabayay, kuwaas oo shacabka u daadinayay warqado ay ku xardhan yihiin hal ku dhigyo ka turjumaayay xuska 1-da Luulyo.
Ugu dambeyn, Mas’uuliyiintii goobjoogga ka ahaa xuskan waxaa ka mid ah: Wasiirro, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), guddoomiyeyaal degmo, saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka Somalia.












































































