Arsenal ayaa rajeyneysa inay ku dhawaaqdo heshiiska cusub ee uu Bukayo Saka kula sii joogayo kooxda ka hor dhamaadka xilli ciyaareedka Premier League.
Weeraryahanka reer England ayaa wadahadallo kula jiray kooxda tan iyo sanadkii hore, laakiin waxa ka go’an in uu saxiixo heshiis cusub kaasoo lagu wado in dhawaan la saxiixo.
Bukayo Saka oo 21 jir ah, ayaa kaalin muhiim ah ku lahaa in kooxda Gunners ay heerkan kasoo gaarto xilli cayaareedkan horyaalka Ingiriiska.
Saka, waxa uu dhaliyay 13 gool waxa uuna caawiyay 11 gool oo xilli cayaareedkan ay dhaluyeen laacibiinta Arsenal oo kaalinta 2-aad kaha jirta horyaalka. Waxa uuna ahaa cayaaryanka keliya ee xilli cayaareedkan aan seegin cayaar kooxdiisu yeelatay.
Xulka Qarankiisa ee England waxa uu u dhaliyay saddex gool, koobkii adduunka ee sannadkan lagu qabtay dalka Qatar, waxa uuna Qarakiisa soo gaaray wareegga 8-aad ee Qatar.
Wadahadallada u dhexeeya Buyako Saka iyo Arsenal ayaa soo jiitamayay tan iyo xagaagii hore, iyadoo Saka uu sheegay bishii Ogoosto ee sanadkaan in Arteta ay isku afgarteen in heshiiska loo kordhin doono.
Dhanka kale, cayaaryahan Saka waxa uu qarka u saaran yahay inuu mustaqbalkiisa fog u hibeeyo Arsenal, waxaana xagaagan laga yaabaa inuu Arsenal ka tago laacibka Granit Xhaka oo muhiim u ahaa kooxda.
Ugu dambeyn, Waxaa la filayaa in kooxda Arsenal ay xagaaga soo aaddan ay lasoo wareegto laacibiin fara badan, si rajadeeda horyaalka ay u xoojiso. Waxaana sanadka soo socda ay kooxdu ka qaybgalaysaa koobka UEFA Champions League oo aysan ka qaybgelin sanadihii lasoo dhaafay.













