Wasaaradda Waxbarashada oo amar cusub kusoo rogtay ardayda billaabaya Jaamacadaha: WAR-SAXAAFADEED

0
378

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, ayaa soo saaray qoraal ay ku sheegtay in laga billaabo sannad-dugsiyeedka 2023/2024, dhammaan ardayda doonaysa inay galaan tacliinta jaamacadeed ay muhiin tahay in ay maraan hal sano oo waxbarasho asaasi ah (Foundation Year).

Maaddooyinka lagu baranyo sannadka waxbarashada ee asaasiga ah, waa in ay ka mid noqdaan: Afka Soomaaliga (oo ay ku jiraan suugaanta, dhaqanka iyo taariikhda), afafka Carabiga iyo Ingiriiska (ama luqadda uu ardaygu ku qaadan doono waxbarashadiisa jaamacadeed), Daraasaadka Islaamka (fahamka guud iyo akhlaaqda Islaamka), xirfadaha hab-qoraalka akadeemigga ah, xirfadaha xallinta khilaafaadka, xiriirka bulshada iyo hab-fekerka naqdineed (critical thinking).

Akhriso qoraalka ay wasaaraddu soo saartay oo dhameystiran:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here