Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Jamhuuriyada Ciraaq, kaddib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa Ciraaq, Mudane Maxamed Shiyaac Al-Suudaani.
Mudane Xamse Barre ayaa inta magaalada Baghdad uu joogo wuxuu kulamo la yeelan doonaa ra’iisul wasaaraha dalka Ciraaq iyo madaxda kale ee dalkaasi, oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka walaalnimo ee soo jireenka ee ka dhaxeeya labada dal ee Somalia iyo Ciraaq iyo sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo guud ahaan danaha ay wadaagaan labada waddan.
Ugu dambeyn, Safarkan ayaa waxa uu qayb ka yahay safarro dhawr ah ol dhawaan uu Ra’iisul Wasaaraha dalka uu ku aadayay dalalka Carabta iyo kuwa Afrika, kuwaasoo lagu xoojinayay xiriirka ay Soomaaliya la leedahay dalalkaas.













