Guddoomiye Madaale oo Kulan Miro-dhal ah la yeeshay Hoggaamiyaha Islaamka ee Waddanka Serbia: SAWIRRO

0
311

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuuuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo safar shaqo ku jooga dalka Serbia ayaa kulan la qaatay hoggaamiyaha jameecadda Islaamka ee Jamhuuriyadda Serbia, Mufti Dr. Sheikh Mustafa Jusufspahić.

Guddoomiye Madaale ayaa Dr. Mustafa ku bogaadiyay kaalintiisa xoojinta Islaamka iyo walaaltinimada dadka Soomaaliyeed, iyada oo Muftigu u duceeyay Soomaalida meel walba ay adduunka ka joogaan, in uu Eebbe ka dhigo dal nabdoon oo barwaaqo ah, quluubtoodana Rabbk isku soo dumo.

Ugu dambeym, Duqa Muqdisho waxaa ku wehliyay kulanka danjiraha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya ee Serbia, Mudane Maxamed C/llaahi Axmed, Agaasimaha xiriirka dibadda ee Maamulka Gobolka Banaadir, La-taliyeyaal sare oo Dowladda Hoose ee Xamae ka tiraan iyo dublamaasiyiin ka hawl-gala safaaradda Soomaaliya ee Serbia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here