Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS oo shir Guddoomiyay Kulanka Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka: SAWIRRO

0
421

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo ku qabsoomay xarunta guddoonka Iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka furay ayaa ugu horreyn xubnaha Guddiga Joogtada u faahfaahiyay safarro muddadii uu goluhu xirnaa ku tagay dalka Turkiga, halkaas oo uga qaybgalay shir caalami ah oo arrimaha Falastiin looga hadlayay. Isaga oo sheegay in shirkaas Soomaaliya ay ka cadeysay mowqifkeeda ku aaddan qadiyadda Falastiin.

Sidoo kale, Guddoomiye Madoobe ayaa faahfaahin ka bixiyay safar isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo ay ku tageen wadanka aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaasoo uu kulamo mira-dhal ah kula qaatay dhiggiisa dalka Jabuuti iyo madaxda kale ee wadankaas.

Dhinaca kale, Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka warbixiyay safar uu ku tagay magaaladda Nairobi ee dalka Kenya halkaas oo uu uga qaybgalay kulankii 17-aad ee guddoomiyaaasha baarlamaannada wadamada ku bahoobay Urur Goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika (EAC), kaasoo looga hadlayay xallinta caqabdaha hortaagan horumarinta ajandayaasha ururka, waxaana guddoomiyuhu shirkaas ka jeediyay khudbad uu kaga hadlayay muhiimadda Soomaaliya ay u leedahay ku biirista ururka, gaar ahaan kaalinta kaga aadan baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha BFS ayaa sheegay in laga maarmaan ay tahay in sida ugu dhaqsiyo badan loo xulo xubnaha Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa (EAC).

Ugu dambeyn, intaas kaddib xubnaha guddiga joogtada ee BFS ayaa ka dooday furitaanka kalfadhiga shanaad kaddib ajandayaasha horu-tabinta u leh fadhiyada guud ee Golaha Shacabka, waxaana guddoomiyaha oo kulanka soo xiray uu kula dardaarmay xubnaha guddiga in ay xoogga saaraan howlaha baaxada leh ee golaha horyaalla kalfadhiga shanaad si looga shaqeeyo shuruucda muhiimka u ah horumarka dowladnimo ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here