Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay xarunta degmada Xamar-weyne oo dib-u-dhis iyo casriyeyn lagu sameyn doonno.
Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay horumarinta xarumaha loogu adeego bulshada, isaga oo xusay in casriyeynta lagu sameenayo dhismaha xarunta degmada Xamar-weyne ay qayb ka tahay ka dhabeynta qorshaha degmo tusaale ah, maadaama degmada ay tahay mid fac weyn oo qadiimi ah.
Munaasabadda dhagax-dhiga waxaa goob-joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeennada Maamulka Gobolka Banaadir, Xildhibaano ka tirsan baarlamanka federaalka Somalia, maamulka degmada Xamar-weyne, agaasimayaal iyo qaybaha kala duwan ee bulshada degmada Xamar-weyne.




















































