Duqa Muqdisho oo Daah-furay dib-u-hawlgelinta adeegyadii hore ee Dad-dhigida Dowladda Hoose: SAWIRRO

0
411

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daahfuray dib-u-hawlgelinta adeegyadii hore ee dad-dhigidda Dowladda Hoose ee Xamar, taas oo muddo 34-sano ah aan loo qaban shacabka.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in shacabka ay hadda kaddib heli doonaan adeegyadii loogu bartay waaxda dad-dhigidda Dowladda Hoose ee Xamar oo ay ka mid tahay; diiwaan-gelinta caruurta ku dhasha isbitaallada, helidda shahaadada guurka iyo shahaadada furrinka, taas oo qeyb weyn ka qaadaneysa gaarista diiwaangelin sax ah oo ay yeeshaan shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabadda waxaa goob-joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta maamulka Gobolka Banaadir, mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed, xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalla Soomaaliya, guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, agaasimeyaal iyo bahda caafimaadka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here