Madaxweynaha Jubaland oo booqday deegaanno cusub oo laga Xoreeyay Khawaarijta: SAWIRRO + MUUQAAL

0
566

Madaxweynaha Dowlad-goboleeedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqasho ku tagay deegaannadii ugu dambeeyay ee laga xoreeyay kooxaha Khawaariijta ah ee ka tirsan Gobolka Jubada Hoose.

Deegaannadan oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Jubbaland oo kaashanaya kuwa dowladda federaalka ayaa waxa ay kala yihiin: Aw-qumbaale, Ceelcad, Canjeel, Harboole iyo Janaa-Cabdalle oo kooxaha argagixisada ah ay ku dhibaatayn jireen dadka shacabka ah.

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam oo la hadlay cutubyo ka tirsan ciidamada kala duwan ee maamulka Jubbaland ayaa sheegay in dadka ku nool deegaannada la xoreeyay ay heleen nabad iyo xornimo loona baahan yahay in deegaanada kale ee wali argagixisadu ay joogaan in la gaarsiiyo hormarka dowladnimada.

Madaxweynuhu waxa uu intaas ku daray in markii la xoreeyay deegaanka Jannaa-Cabdalle iyo deegaannada ku xeeraan ay dadka deegaanku ku farxeen garab istaagii ay u muujiyeen ciidamada qalabka sida, taasoo ay ka mid ahayd dib u hawlgelinta ceelasha biyaha iyo inay saadkooda wax ka siiyaan dadka deegaanka ka hor Inta aanay halkan iman hay’adaha kale ee maamulka Jubbaland.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in hawlgallada dib u xoreynta ay sii socon doonan isla markana la dardar-gelin doono maalmaha soo socda si neecoowda dowladnimo loo gaarsiiyo guud ahaan deegaannada Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here