Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay, Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Jamhuuriyada Turkiga, Dr. Alparslan Bayraktar iyo wafdi uu hoggaaminayo, kuwaasoo ka qayb-galaya Munaasabadda taariikhiga ah ee soo dhawaynta Markabka Oruc Reis ee howlaha shidaal sahminta ah u yimid dalkeenna.
Kulanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo mas’uuliyiinta ka socday dowladda Turkiga, waxaa ka qayb-galay Ra’iisul wasaaraha XFS. mudane Xamse Cabdi Barre iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.














