Waxaa qabsoomay shirkii ugu horeeyay ee gogol-dhigga u ah xiriirka mataaneyn/saaxiibtinimo ee u dhexeeya C/casiis, Muqdisho iyo Sciacca, sicily, ujeeddada shirka ayaa ku salayesneyd kor u qaadidda wada-shaqeynta iyo aqoon-is-weydaarsiga ladaba magaalo.
Hawlgelinta iyo xiriirkan waxaa gacan weyn ka geystey ‘kooxda la-talinta ee Talyaaniga iyo Soomaaliya’ Dr. Omar Nur, Dr. Valerio Buemi iyo Dr. Gabriele Lo Re, si loo faah-faahiyo ujeeddada labada dhinac ee C/casiis iyo Sciacca, Duqa magaalada Fabio Termine iyo golaha deegaanka Francesco Dimino iyo Agnese Sinagra, waxay ka qayb qaateen kulan fogaan arag ah oo ay la yeesheen mas’uuliyiinta gobolka Banaadir iyo Degmada C/casiis oo ka mid ah Degmooyinka gobolka banaadir, ahna mid ka mid ah degmooyinka ugu da’da weyn ee magaalo-weynta Bariga Afrika ee Muqdisho.
Kulanku wuxuu dhacay bishan Luulyo ee 2024-ka, waxaa ka qayb-galay kulankan xubno ay ka mid yihiin: Agnese Sinagra oo matalayay Degmada Sciacca, ku-xigeenka Duqa Muqdisho Cabdicasiis Cusmaam, agaasimaha ciriirka caalamiga ah ee Dolwadda Hoose ee Muqdisho, Maxamed Xasan, guddoomiyaha degmada C/casiis, Ubax Cabdi Cali iyo sidoo kale ‘kooxda la-talinta ee Talyaaniga iyo Soomaaliya’ oo uu matalayay Dr. Cumar Nuur, Dr. Valerio Buemi iyo Dr. Gabriele Lo Re.
“ Waxaan arkay inay diyaar u yihiin madaxda Sciacca inay billaabaan mashruucan oo horumar wayn u leh dhanka dhaqanka, ganacsiga iyo taariikh wadaagga naga dhexeeya. Maamulka Scaica wuxuu muujiyay shirkadahooda ay qayb weyn ka qaadan karaan horumarinta degmada C/casiis, sida kuwa sameeya farsamda gacanta iyo shirkadaha kale sida kaluumeysiga iwm, ” ayuu yiri ku-xigeenka Duqa Muqdisho Cabdicasiis Cusmaan.
Sidoo kale, Guddoomiye ku-xigeenku waxa uu sheegay in Madaxda Soomaaliya ay aqoonsadeen degmada Cabdicasiis oo qayb ka mid ah Gobolka Banaadi in ay mataaneyn iyo wadashaqeyn dhex marto Magaalada Sciacca.
Dhanka kale, Maamulka labada magaalo waxay muujiyeen xiiso weyn inay u qabaan in la billaabo is-dhaafsiga ganacsi iyo aqoon is weydaarsi iyo dhaqanka, taasoo sidoo kale taabaneysa waxbarashada jiilka cusub.
Waxaa sidoo kale lagu muujiyey shirka in xiiso badan loo qabo daraasadda wadajirka ah ee isbedfelka cimilada ee badda Mediterranean ka iyo badweyta Hindiya, gaar ahaan aagaga xeebaha.
Ugu dambeyn, waxaa la go’aamiyay in sida ugu dhaqsaha badan loo hormariyo bandhig sawireed ka hadlaya saameynta badda ee dhinacyada bulsho-dhaqameedka iyo dhaqaalaha ee labada magaalo. Sidaa daraadeed waxaa jiri doona tallaabooyin dheeraad ah.













