Guddoomiye Yabooh oo Xilka u kala Wareejiyay Guddoomiyihii hore iyo Guddoomiyaha Cusub ee Dhallinyarada Gobolka Banaadir: SAWIRRO

0
201

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa xilka u kala wareejiyay guddoomiyihii hore ee dhallinyarada gobolka Banaadir, mudane Cabdikaafi Maxamuud Makaraan iyo guddoomiyaha cusub ee dhallinyarada maamulka Gobolka Banaadir, mudane Cumar C/raxmaan Macow (Cumar Faruq).

Guddoomiye Yabooh oo munaasabadda ka hadlay ayaa kula dardaarmay dhallinyarada inay doorkooda ka qaataan dowlad-dhiska iyo ka qayb-qaadashada horumarka ka socda dalka.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa la-taliyaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, guddoomiyaha degmada Shangaani, agaasimayaal, guddoomiyeyaasha dhallinyarada degmooyinka G/Banaadir iyo madax kale oo heer degmo iyo heer gobol ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here