MUUQAAL: Dowladda Hoose ee Xamar oo billowday GOWRACA Xoolaha laga soo ururiyo waddooyinka waaweyn ee Caasimadda

0
343

Dowladda Hoose ee Xamar ayaa maanta billaabay olole lagu gowracayo xoolaha dhibaatada ku haya caasimadda, sida uu sheegay agaasimaha guud ee waaxda nadaafadda iyo bilic soo celinta gobolka Banaadir.

Agaasime Maxamuud Suudi oo sharaxaya howlaha la qabtay, ayaa sheegay in amarkan uu bixiyay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayna u fuliyeen sidii uu ahaa.

“Waxa aan joognaa Piaso Libero, hawlgallo shalay laga fuliyay gobolka Banaadir, gaar ahaan; Waliyoow Cadde iyo Bartamaha ayaa laga soo qabqabtay xoolo dhibaato ku yahay nadaafadda iyo bilicda Caasimadda, waxaana hawlgalka fuliyay 17-ka degmo ee gobolka Banaadir iyo saddexda deegaan iyo guddi uu Duqa Magaaladu u magacaabay soo nooleynta bilicda magaalada iyo nadaafadeeda oo uu guddoomiye u yahay guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh),” ayuu yiri agaasime Maxamuud Suudi.

Sidoo kale, Agaasime Suudi ayaa intaas ku daray in maanta oo Talaado ah ay fuliyeen amarkii ku xusnaa digreetadii Duqa Magaalada Muqdisho ee ahayd in 24-saac kaddib markii xoolaha lasoo xareeyay haddii ciddii lahayd ay u imaan waydo la gowraco, isagoo sheegay in xoolaha maanta la gowracay ay hayeen 24-saac.

“Shalay waxaan soo xareynay 166 neef oo lo’ ah iyo 11 neef oo ari ah. Waxaan ganaxnay 30 neef oo lo’ ah iyo 11 neef oo ari ah. Intii soo hartay maanta ayaan go’aankii gowraca ahaa ku fulinnay, innagoo raacayna amarkii Duqa ee ahaa in hilbahooda la baceeyo oo loo qaybiyo dadka danta yar ee ku nool caasimadda dalka,” ayuu hadalkiisa ku daray agaasimaha nadaafadda iyo bilic soo celinta Muqdisho.

Ugu dambeyn, Tallaabadan lagu gowracay xoolaha laga soo qabqabtay waddooyinka caasimadda ayaa noqonaysaa tii ugu horreysay oo uu fuliyo Maamulka Gobolka Banaadir, waana sii socon soontaa, inta xal loo helayo xoolaha waddooyinka dhooban.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here