Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa deeq raashiin oo ka timid maamullada degmooyinka Kaxda iyo Boondheere ku wareejiyay haweenka hormuudka u ah ololaha Hooyo u Hiili Qaranka ee lagu garab istaagaayo ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in deeqdaan ay qayb ka tahay qorshaha maamulada degmaaoyinka gobolka Banaadir iyo bulshada Caasimadda ay kaga qayb-qaadanayaan garab istaaga ciidanka Qaranka “Ololaha Hooyo u Hiili Qaranka” ee sahayda qalalan lagu gaarsiinaayo ciidamada ku hawlan dagaalka sifeynta kooxaha Khawaarijta.
Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir, mudane Feysal Caraale Afrax, xildhibaano ka tirsan BFS iyo qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda uu duqa Muqdisho ku wareejinayay deeqda.





















