Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa xarigga ka jaray waddo Interlock ah oo laga hirgeliyay waaxda Jabuuti ee degmada Kaaraan, isaga oo shacabka iyo maamulka degmada Kaaraan ku amaanay qorshaha iskaashi oo ay ku horumarinayaan kaabayaasha isku socodka.
Guddoomiyaha degmada Kaaraan, mudane Faarax Cadaani oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in dhismaha waddadaan ay iska kaashadeen shacabka iyo Maamulka Degmada Kaaraan, isaga oo xusay in waddadaan ay muhiim u tahay isku socodka dadka iyo gaadiidka ee bulshada degmada Kaaraan.
Ugu dambeyn, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waddooyin badan oo isugu jira Laami iyo Intwrlock ka hirgeliyay degmooyinka Muqdisho, taasoo ay si weyn u soo dhaweeyeen shacabka ku nool Caasimadda.