Guddoomiye Madaale oo Dhagax-dhigay dhismaha cusub ee degmada Wadajir oo lagu dhisi doono Iskaashi dadweyne: SAWIRRO

0
490

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha cusub ee xarunta degmada Wadajir oo lagu dhisi doono iskutashi dadweyne kaas oo qayb ka ah barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal Dollar.

Guddoomiyaha degmada Wadajir, mudane Axmed Cabdulle Afrax oo warbaahinta la hadlay ayaa uga mahad-celiyay Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale sida uu had iyo jeer u dhiiragalinayo horumarista Caasimaada.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ugu baaqay ummadda Soomaaliyeed in ay isku-tashtaan oo dalkooda dhistaan isla markaana ay ka maarmaan gacmaha shisheeye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here