Hay’adda Taya-dhowrka Soomaaliya, ayaa shahaado ku xirtay ganacsatada iyo shakhsiyaadka kale ee badeecadda iyo alaabaha kale soo gelinaya dalka, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay hay’adaas.
Bayaankan hay’adda ayaa lagu sheegay in dhammaan shirkadaha, ganacstada, hay’adaha caalimiga ah iyo bulshada Soomaaliyeed ee ganacsiyada kala soo daga alaabaha kala duwan dekedda Muqdisho iyo garoonka Aadan Cade ay la yimaadaan shahaadada waafaqsanaanta ee hay’adda Taya-dhowrka.
Sidoo kale, Hay’adda Taya-dhowrka ayaa sheegtay in ciddii aan la ilmaan shahaadan laga billaabo 01-da bisha soo socota ee September ay muteysan doonto ciqaab iyo ganaax lacageed.














