Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhagax-dhigay dhismaha cusub ee garsoorka dalka oo loo dhisayo qaab casri ah, kaas oo la jaan-qaadaya hannaanka lagu casriyeynayo garsoorka dalka.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in hirgelinta dhismahan uu wax weyn ka tari doono horumarinta adeegga ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan hey’addaha garsoorka dalka, taas oo ah tallaabo weyn oo loo qaadday wax ka qabashada baahiyaha ay qabaan hey’addaha caddaaladda dalka.
“Hirgelinta dhismahani waa tallaabo wanaagsan oo loo qaadday baahi-tirka hannaanka caddaaladda dalka oo ay haysteen dhibaatooyinka ay ka mid tahay xafiis la’aan, tan oo ka dhigan tallaabo bilow u ah hannaanka casriyeynta caddaaladda dalka, iyo fududeynta adeegga ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Munaasabadda dhax-dhigga dhismaha Garsoorka dalka, waxaa goobjoog ka ahaa, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka, Xeer Ilaaliyaha Qaranka iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan hey’addaha caddaaladda dalka.