Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimada, mudane Yuusuf Xuseen jimcaale (Madaale) ayaa shir gudoominayay shirka amniga caasimada iyo sidii Kor loogu qaadi lahaa bilicda caasimadda.
Shirkan ayaa waxaa joogay, wasiirka Amniga Gudaha, C/llaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) taliyaha ciidanka booliiska Soomaalieed, Sareeye Jen. Sulub Axmed Firin, taliyaha hay’adda NISA, mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) taliyaasha booliiska iyo Nabad-sugidda Gobolka Banaadir, guddoomiyaha degmooyinka gobalka Banaadir, taliyaasha qaybaha booliiska iyo Nabad-sugidda iyo taliyaasha saldhigayada gobolka Banaadir.
Ujeeddada shirka ayaa ahaa daadajinta amniga caasimadda iyo nawaaxigeeda iyo sidii loo billaabi lahaa isla-xisaabtan dhab ah oo la xiriira amniga guud ee Caasimadda iyo nawaaxigeeda.
Ugu dambeyn, Shirkan ayaa daba-socda shir dhawaan taliska ciidanka booliiska Soomaaliyeed uu shir amniga guud ee dalka gaar ahaan Caasimadda uu la qaatay madaxweynaha Somalia, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha gobolka Banaadir guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo saraakiisha ciidamada amniga caasimadda.











































