Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo wehliyo Ku xigeenka Duqa magaalada dhanka Maamulka iyo maaliyadda Mudane C/Qaadir Maxamed Maxamuud (Caanabooro) ayaa isbitaalka Erdogan ku booqday dhaawacyada dadkii ku dhaawacmay qraxixii shalay ka dhacay deegaan lafoole ee duleedka Muqdisho.
Dhawacyadaan ayaa dhamaantod ahaa howlwadeennadii ka shaqeynayay dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo haatan dhismaheedu ku dhaw yahay gabagabo.
Ra’isulwasaaraha ayaa wareystay dhaawacyada oo uu mid kasta ku booqday sariirtiisa wuxuuna ilaah uga baryay caafimaad.
Ra’isulwasaaraha ayaa sheegay dowlada iyo shacabka soomaaliyeed ay ka go,antahay horumarinta dalka iyo la dagaalanka kooxaha argagaxisada.
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si xooggan u cambaareysay kana tacsiyeysay falkii argagixisadu ku beegsadeen muwaadiniin Soomaali & Turki ah oo ka shaqeynayay














