Ku-simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda mudane Ciise Guure oo shir jaraa’id ku qabtay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa boggaadiyay sida ciidamada amniga ay u soo afjareen weerarkii Khawaarijtu ay ku qaadeen maanta xarunta maamulka gobalka Banaadir .
Guddoomiye Ciise Guure ayaa tilmaamay in ciidamada amnigu ay ku guuleysteen soo afjaridda 6 ka tirsan kooxihii weerarka soo qaadday, kuwaasoo mid ka mid ah is-miidaamiyay, halka 5-ta kale iyagoo gaarin qorshihii ay la damacsanaayeen shaqaalaha iyo bulshada u soo adeeg doontay xarunta lasoo afjaray.
Sidoo kale, ku-simaha Guddoomiye ku xigeenka ayaa tacsi u diray ehellada 5-ta muwaadin ee ku naf-waayay weerarkan, isagoo caafimaad u rajeryey inta dhaawacantay.
Ugu dambeyn, Ciise Guure ayaa sheegay falalkan waxashmimada ah ee Khawaarijtu ay geysanayaan loo baahan yahay in la iska garabsado sidii loosoo gabagabeyn lahaa.
dowladda iyo dadka Soomaaliyeed u caddeyneysaa sida dagaalka looga xoreynayo kooxda Khawaarijta.













