Dowladaha Somalia iyo Talyaaniga Oo Kawada Hadlay iskaashi wadaagga+Sawiro

0
67

Siihayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga iskaashi wadaagg

Muqdisho, June 12, 2022 – Siihayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan, ayaa maanta ku qaabilay Caasimadda Muqdisho , Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Talyaaniga, Mudane Luigi Di Maio, iyagoo ka wadahadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ee labada dal ee saaxiibada ah uu ka dhexeeyo iyo siyaabaha lagu horumarin karo iskaashi wadaagga, sidoo kale waxa ay isla fallanqeeyeen dhowr arrimood oo muhiimad u leh labada dhinac.

Talyaaniga waa saaxiib istiraatiiji oo Soomaaliya ay leedahay, kalana dhexeeyo arrimo dhowr ah oo ahmiyad leh, waxaana Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay inay xoojiso iskaashiga ay la leedahay Talyaaniga dhinac kasta oo nacfi wadaag u ah labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here