Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa guddoomiyay kulan looga hadlayay taageerida iyo garab-istaagga Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanada ee dagaalka kula jira kooxaha Khawaarijta iyo sidii loo dardar-gelin lahaa amniga magaalada Muqdisho.
Kulanka oo uu goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo dhammaan xubnaha heer maamul ee degmooyinka gobolka Banaadir ayaa diiradda lagu saaray hannaanka wada-shaqeynta bulshada, maamullada degmooyinka, hay’addaha ammaanka iyo sidii loo xoojin lahaa barnaamijka dariseynta si looga hortago garan-waaga ku dhex jira bulshada.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir ay ka go’an tahay garab-istaagga iyo taageerida Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanada, wuxuuna xusay in taageero dhinac weliba leh ay la garab-taagan yihiin, isla markaana ay furimaha dagaalka ku maqan yihiin qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.





























































