Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa xalay 31-kii December 2023, lagu qabtay munaasabad lagu soo bandhigayay wax-qabadka maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda hoose ee Xamar ee 2023-kii, iyada oo munaasabadda ay kasoo qayb-galeen; ra’iisul wasaare ku-xigeenka XFS, mudane Saalax Axmed Jaamac, wasiirro, guddoonka sare ee maamulka gobolka Banaadir, xildhibaanno, saraakiil ciidan, madaxda maamullada degmooyinka iyo deegaannada tobolka Banaadir, odayaasha dhaqanka, culumada, agaasimeyaal iyo qaybaha bulshada.
Madasha ayaa lagu soo bandhigay guulahii ugu waa weynaa oo uu maamulka gobolka Banaadir ku tallaabsaday sanadkii 2023-kii, sida horumarinta kaabayaasha oo ay ugu horreeyaan dhismaha waddooyinka oo gaaraya illaa 15-waddo oo laami ah, wax ka qabashada amniga guud ee caasimadda, waxbarashada, caafimaadka, samafalka iyo ballaarinta adeegyada bulshada.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS, mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ku amaanay maamulka gobolka Banaadir doorka dib-u-dhis ee kaabayaasha isku socodka, daadajinta adeegyada bulshada, wuxuu ku boorriyay maamulka G/Banaadir in lasii dardargeliyo qorshahaasha horumarineed ee caasimadda.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in qorshayaasha hortabinta u leh maamulkiisa sanadka 2024-ka ay ugu horreeyaan wax ka qabashada bullaacadaha iyo in gobolka Banaadir ay ka dhacdo doorashada goleyaasha deegaanka, si shacabka ay u doortaan ciddii maamuli lahayd.












































































