Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa furay kulan looga hadlayo soo jeedinta ku aadan dhameystrika dastuurka ee 4-ta cutub ee ugu horreeya, kaasoo ay ka doodayaan guddi uu dhawaan magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale, Guddigan ayaa ka shaqeyn doona soo diyaarinta xulashada ugu wanaagsan ee ku habboon magaalo-madaxda dalka ee Muqdisho iyo in bulshada gobolka Banaadir loo bandhigo soo jeedinta ku aaddan dhameystrika dastuurka ee 4-ta cutub ee ugu horeeya, si talooyinkooda ugu biiriyaan.
Natiijada kasoo baxdo doodaha farsamo ee guddigan iyo talooyinka laga soo arurin doono shacabka caasimadda ayaa lala wadaagi doonaa guddiyada dastuurka iyo guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka si ay ugu saleeyaan go’aan ka gaarista dhameystirka dastuurka.


























