Guddoomiye Madaale oo ka Qaybgalay Xaflad ay ku Qalin-jabiyeen 633 arday oo dhameystay Waxbarashada heerka 1-aad: SAWIRRO

0
402

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf xuseen Jimcaale (Madaale), wasiir ku-xigeenka warfaafinta XFS, mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa maanta ka qayb-galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen 633-ka mid ah dufcadii 8-aad ee jaamacadda S.I.U.

Duqa Caasimadda Madaale ayaa sheegay in barashada cilmiga ay tahay ahmiyadda koowaad ee uu ku horumaro bulsho iyo waddan, sidaas darteed ay muhiim tahay in aqoonyahannada Soomaaliyeed cilmiga ku jira ee waxtarka leh ay uga faa’iideeyaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa danta yar ee aan wali helin fursad ay wax ku bartaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here