In ka badan 40 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-shabaab ayaa lagu dilay hawlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaannada Wargaadhi iyo Labigoley ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Hawlgalka ayaa yimid kaddib markii Khawaarijta ay isku dayeen weerar naf-la-caari ah oo ay ku qaadeen deegaanka Wargaadhi.
Ciidanka Qalabka Sida iyo geesiyaasha deegaanka oo heegan buuxa ku jiray ayaa si geesinimo leh uga hortagay weerarkaas, waxaana halkaas lagu gaarsiiyay cadowga khasaare xooggan oo ay ku dhinteen in ka badan 22 xubnood oo ka tirsan kooxda Khawaarijt ah Al-shabaab.
Sidoo kale, Ciidanka Qalabka sida ayaa fuliyay hawlgal ka dhacay deegaanka Labi-Gooleey oo qiyaastii 13-km u jirta Wargaadhi dhanka Waqooyi-galbeed.
Khawaarijta ayaa isku dayay in halkaas ay dib isugu abaabulaan, balse ciidanku waxa ay ku dileen in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan kooxdaas.
Xaaladda deegaanka Wargaadhi hadda waa mid daggan, waxaana weli socda xaqiijinta iyo tiro-koobka khasaaraha lagu gaarsiiyay cadowga caqabadda ku ah Ummadda Soomaaliyeed.
Dowladda Federaalka Soomaaliyeed waxay u mahad-celinay ciidamada geesiyaasha ah ee sida naf-hurnimada leh ugu taagan difaaca dalkooda iyo dadkooda.
Ugu dambeyn, Dowladda waxay si buuxda ula wadaagi doontaa dadka Soomaaliyeed wararka iyo faahfaahinnada dheeraadka ah ee ku saabsan hawlgalkan.












