Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaala kulmay mas’uuliyiinta Bankiyda dalka, isaga oo kala hadlay arrimo la xiriirka hormarinta dhaqaalaha dalka.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeer ku tagay qaar ka mid ah xarumaha Bakiyada gaar loo leeyahay ee dalka, waxuuna la kulmay mas’uuliyiinta bankiyada.
Mr. Rooble ayaa sheegay in socdaalkiisa uu ahaa mid uu ku dhiiragelinayo doorka ay bankiyada uga jiraan hormarinta dhaqaalaha dalka, waxuuna bogaadiyay in ganacsatada Soomaaliyeed ay yihiin kuwo ay ka go’an tahay sidii ay uala jaan qaadeen ganacsiyada caalamiga ah .
Wuxuu Madaxda Bankiyda dalka u balan qaaday in xukuumaddu ay u fududeyn doonto howlahooda, si sare loogu qaado dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dhalinta waxbaratay ee dalka,













