Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS, Mudane Xildhibaan Cali Xoosh iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Ciraaq, Mudane Abdul-Amir Al-Shammari iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii looga wadashaqeyn lahaa xoojinta xiriirka, ee dhinaca horumaradda iyo abuuridda Iskaashi dhaqaale iyo mid amni oo dhex-mara labada dowladood.
Guddoomiye Maxamed Axmed Amiir iyo Wasiir Arimaha Gudaha ee Somalia ayaa kulanka kaddib hadiyado guddoonsiiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Ciraaq, Mudane Abdul-Amir Al-Shammari.


























