Waxaa maanta hoolka Guryasamo ee Magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay todobaadka Naas-nuujinta ee ka socday xarumaha caafimaadka ee degmooyinka Gobolka Banaadir.
Barnaamijkan oo soo bilowday 1-da bishan Ogoosto, 2023, waxaa ka faa’iideystay hooyooyin badan oo ka helay wacyigelin iyo faa’iidooyin la xiriira Naas-nuujinta.
Ujeeddada todobaadka Naas-nuujinta ayaa ahayd in hooyooyinka Soomaaliyeed lagu dhiirrigeliyo in ay nuujiyaan dhallaankooda si kor loogu qaado difaaca jirkooda iyo in fursad la siiyo haweenka shaqeeya si ay Ilmaha u Naas-nuujiyaan.
Ugu damvwyn, Agaasinka Caafimaadka Gobolka Banaadir ayaa xoogga saaraya horumarinta caafimaadka gobolka iyo sidii shacabka Caasimadda u heli lahaayeen adeeg caafimaad oo tayo sare leh.
































